Oregon Secretary of State

Galalka Xogta Codbixiyaha oo Ku qoran af Soomaali

Xoghayaha Gobolka Oregon (Oregon Secretary of State) wuxuu bixiyaa qaybo ka mid ah galka Xogta Codbixiyaha ee gobolka iyo degmada oo loo turjumay Soomaali. Galka Xogta Codbixiyaha oo dhammeystiran wuxu diyaar ku yahay onlayn Galka Xogta Codbixiyaha ee Degmadanaxa waxa laga helaya boggaga websaydka degmada.

Gudiga Talo Bixinta Turjumaadda

Gudiga Talo Bixinta Turjumaada ayaa kala taliya Xoghayaha Gobalka Oregon turjumaadaha galka xogta codbixyaha. Gudiga ayaa ka qaybgala hanaanka xaqiijinta bulshada, oo sidoo kale loo yaqaano tijaabada bulshada, si loo hubiyo in xogta la turjumay ay ku haboon tahay dhaqanka. Gudiga ayaa ka kooban xubno qayb ka ah bulshooyinka luuqada ee Oregon. Si aad u hesho macluumaad dheeraad ah, booga websaytka Gudiga Talo Bixinta Turjumaada​​.