Xoghayaha Gobalka Oregon iyo saraakiisha doorashooyinka ee degmada ayaa bixiya galalka xogta ee codbixiyaasha si loogu hago codbixiyaasha doorashooyinka gaarka ah ee gobalka, degmada, magaallada, iyo degmooyinka. Xoghayuhu wuxuu ku dedaalayaa u adeegista codbixiyaasha aan Ingiriisiga aad u aqoon ayadoo la turjumaayo xogta guud ee codbixiyaha iyo ajandaha codbixinta, sida uu sheegaao sharcigu (ORS 251.170). Bayaannada kasoo baxa musharixiinta, haddii ay jiraan, ayaa keliya Ingiriis looga heli karaa
webseedyada degmada wakhtigaan.